Milatariga Israa’iil ayaa weli wada duqeymaha xooggan ee uu ka geysanayo Marinka Gaza, taas oo u muuqata inuu dhagaha ka fureysanayo heshiiskii nabada ee dhawaan la gaaray, waxaana xusid mudan in duqeymahan uu ku beegsanayo dad rayidka ah oo ku jiraan caruur falastiiniyiin ah.
Arrintan ayaa ku soo aadeysa xilli uu meel fiican marayo wada hadalada xabad joojinta Gaza ee u dhaxeeya Trump iyo Qatar.
Sida ay werisey Al Jazeera.Wasaaradda caafimaadka marinka Qasa ee dhulka Falastiiniyiinta ayaa toddobaadkan shaaca ka qaaday in tan iyo markii lagu dhawaaqay xabbad-joojinta Qasa inay Israa|l ay ku dishay marinka Qasa 93 qof , halka 324 kalena ay ku dhaawacmeen.
Warbixinta waxaa kaloo lagu sheegay 464 qof meydadkooda laga soo saaray burburka dhismayaasha, kuwaasoo ku geeriyooday weerarradii ka socday marinka Qasa , muddo labo sanno ah.
Mareykanka uu isku muujinaya mid ka wal walaya xasuuqa lagu hayo shacabka Gaza waxa uu billaabay inuu adeegsado diyaaradaha aan duuliyaha lahayn si ay ula socdaan dhaqdhaqaaqyada dhulka Qasa, tallaabadan ayey saraakiisha Mareykanka ku sheegeen inay kula soconayaan sida Xamaas iyo Israa|l u dhaqangeliyeen heshiiska xabbad-joojinta,
Sidoo kale Ururrada iska caabinta ee dhammaan Falastiiniyiinta oo ay ku jirto Xamaas ayaa iyaguna soo saaray warsaxaafadeed ay ku xaqiijinayaan inay si wadajir ah ugu heshiiyeen cidda ay ku wareejinayaan maamulka Qasa, oo sida ay sheegeen noqon doonta guddi madax bannaan oo ka kooban khubaro Falastiiniyiin ah, kuwaas oo maamuli doona arrimaha nolol maalmeedka iyo adeegyada aasaasiga ah iyagoo la shaqeynaya Carabta iyo hay’adaha caalamiga ah, kaddib wadahadallo ay ku yeesheen magaalada Qaahira ee xarunta Masar.
Dhanka kale Israa’iil ayaa si aad ah u diidan in Turkiga uu qeyb ka noqdo ciidamada xasilinta ee la geynayo Gaza waxana Netanyahu uu ku yiri madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, JD Vance oo tagay Telaabiib; “ Ma oggolaan doono inaad Qasa iigu keentaan Turkiga.”
hadalka Netanyahu kadib sida uu daabacay Wargeyska Jerusalem Post oo xiganaya saraakiil ka tirsan Israa|l iyo Mareykanka” ciidamada Turkiga ayaa laga reebay qorshaha lagu dhisayo ciidanka xasillinta Qasa , kaddib markii Israa|l ku adkaysatay diidmo cad, halka Maraykankuna uu aqbalay mowqifkaa.
Go’aankan wuxuu ka dhiganyahay inuusan Turkiga wax door ah ku yeelan doonin mustaqbalka Qasa , taa oo haddii ay dhacdo burbur diblomaasiyadeed ku ah qorshaha Erdogan, maaddaama Erdogan uu kaalin weyn ka qaatay inuu Xamaas ku qanciyo ansixinta heshiiska nabada, waxa uu ujeedkiisu ahaa in Turkiga uu saameyn ku yeesho arrinta Qasa iyo guud ahaan bariga dhexe.
Qorshahan waxaa Israa’iil ku raacday masar waxaana dhawaan Taliyaha sirdoonka Masar, Xasan Rashad uu tagay Telaabiib , halkaa oo ay wada hadalo ku yeesheen Netanyahu si gaar ah arrinta la xiriirta hoos u dhigida saameynta ay Turkiga iyo Qatar ku leeyihiin qorshaha mustaqbalka Qasa.
Israa|l iyo Masar, waa kuwo leh mowqif mideysan oo la xiriira inuusan Turkiga ciidamo keenin Qasa, isla markaana hoos loo dhigo saameyntiisa bariga dhexe, taas oo niyad jab dimblomaasiyadeed ku ah xukuumadda ankara.
Sidoo kale Baarlamaanka Israa|l, ayaa dhawaan ansixiyay akhrinta koowaad ee hindise sharciyeed u oggolaanaya inay Israa|l qaadato Daanta Galbeed ee dhulka Falastiiniyiinta laga heysto taa oo loo aqoonsado dhul ay Israa|l leedahay ,waxayna arrintan gudaha Israa|l ka dhalisay khilaaf xisbiga uu Netanyahu hoggaamiyo ee Likud oo iska diiday inay qaraarkan u codeeyaan, iyagoo diidmadooda ku sabeeyay in qaraarkan uu dhaawacayo xiriirka Israa|l iyo Mareykanka.
Madaxweyne ku-xigeenka Mareykanka, oo qaraarkan akhrintiisa la meelmariyay isagoo ku sugan gudaha Israa|l, wuxuu yiri ; “Codbixintii barlamanka ee ku saabsan ku biirinta Daanta Galbeed waxay ahayd arrin yaab leh. Haddii ay ahayd xeelad siyaasadeed, waxay ahayd xeelad siyaasadeed oo nacasnimo ah, waxaana dareemayaa in la i aflagaadeeyay. Ma oggolaan doonno in Israa’iil dhulkeeda ku darto Daanta Galbeed, mana ku qanacsanayn codbixintaas.”
Trump,ayaa dhankiisa isagoo la hadlaya majaladda Time oo la weydiiyay suurtagalnimada in lagu daro Daanta Galbeed dhulka Israa|l, wuxuu yiri:“Taasi ma dhici doonto, sababtoo ah waxaan ballan u qaaday dalalka Carabta. israa|l waxay lumin doontaa dhammaan taageerada ay ka haysato Mareykanka haddii ay arrintaas sameyso.”
Sidoo kale isla toddobaadkan Saraaya Qudus oo ah garabka labaad ee milatari ee iska caabinta Qasa ayaa soo saaray muuqaal ay ku soo bandhigeen afhayeenka cusub ee beddelaya afhayeenkii hore ee Abu Xamsa oo ay Israa|l ku dishay weerar ka dhacay gudaha Qasa.
Afhayeenkan cusub isagana waxaa lagu magacaabaa Abu Xamsa, tallaabo u muuqata inay iska caabintu ku sheegayso; “ Haddii aad qof kasta dishaan fikradu ma dhimato.”
Saraaya Qudus, waxaa ay shaaca ka qaaday inay u diyaarsantahay xaalad kasta oo lagu difaacayo xuquuqda Falastiiniyiinta , waxana ay tibaaxeen in haddii ay israaiil ku sii socoto jebinta heshiiska , waxa la sugi karo ay tahay in kooxaha iska caabinta ay ku soo noqdaan dagaalka.
Dhinaca kale Israa’iil ayaa ku howlan dhisida kooxo hubeysan oo Calooshood u shaqeystayaal ah, kuwaas oo u dhashay Gaza, waxaana ilaa iyo iminka ay abaabushay ilaa 4 kooxood.
Qorshahan oo ah mid la doonayo inuu gaza u horseedo dhibaato aan laga soo kabsan, oo diida aqoonsiga Falastiin waxaa sida ilo sirdoon laga soo xigtay maalgalinaya dalka Imaraadka Carabta, kuwaas oo aan la ogayn ujeedka ay ka leeyihiin arrintan, waana qorshe ay aad ula fajaceen dhamaan dalalka carabta iminkana dhaliyey hadal heyn fara badan, waxaana la sugayaa halka uu ku biyo shuto
