Shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool GAZA ayaa dhibaato ba’an iyo qalalaaso bani’aadanimo wajahaya, waxaana sii laba jibaarmay dhibkii hore, iyagoo sheegaya in xaaladdu sii adkaaneyso, kaddib mamnuuciddii Israa’iil ay ku sameysay hay’adda ugu weyn ee Qaramada Midoobay ee halkaasi ka howlgasha.
Hay’adan oo lagu magacaabo Unrwa ayaa shacabka siisa cunto, cabitaan, iyo daryeel caafimaad, waxaana haddii howsha ay wado la joojiyo ay u muuqataa in xaaladdu ka sii dareyso.
Shacabka Falastiin ayaa sheegay in Mamnuucidda Unrwa ay tahay dagaal hor leh oo ka dhan ah Shacabka Falastiiniyiinta, taas oo nolosheedo halis cusub galeyso.
Dowladda Israa’iil oo tallaabadan qaaday, ayey u muuqataa mid walaac ba’an abuurtay waxaana ka hadlay dowladda badan oo caalamka ah,kuwaas oo si aad ah uga hor yimid tallaabadan.
Si kastaba toddobaadkan Dadka ku dhintay duullaanka iyo duqeymaha arxan-darrada ah ee maamulka Israa’iil uu ka wado marinka GAZA ayaa 43 kun oo qof sare u dhaafay, tan iyo bishii oktoobar sanadkii 2023.