Sunday, September 14

(Hortabin Media) – Meel aad u halis ah ayey xiligan mareysaa xaaladda ka taagan degmada Bardaalle ee gobolka Baay, halkaas oo saameyn xooggan ku yeesheen daadadka ka dhashay roobka deyrta.

Xildhibaano ka tirsan Barlamanka Soomaaliya iyo masuuliyiin kale oo qeyb ka ah maamulka Koonfur Galbeed, ayaa tilmaamay in dadka Bardaalle ay ku sugan yihiin xaalad halis ah, taas oo u baahan jawaab bani’aadminimo.

Sida masuuliyiinta la socda xaaladda Bardaalle ay warbaahinta la wadaageen Dhamaan dadka reer Bardaale ayaa banaanka uga baxay magaalada kadib markii guryahooda ay biyo ugu soo galeen.

Sidoo kale waxaa istaagay guud ahaan dhaq dhaqaaqyadii nololeed ee halkaasi ka jiray waxaa adag in dadkaasi loo gurmado sababo la xiriira in garoonkii diyaaradaha ay biyo buuxiyeen.

Exit mobile version