Monday, September 15

Waxaa si aad ah looga deyrinayaa xaaladda caafimaad ee weriye Bulbul, kaas oo sifo sharci darro ah ugu xiran dowladda Soomaaliya.

Weriyaha ayaa xabsiga ku jira wax ka badan labbo Toddobaad, iyadoo aan la horgeynin wax maxkamad ah, waana arrinta ay walaaca ka muujinayaan bahda saxaafada.

Bahda Saxaafada Muqdisho oo warbaahinta ka hadashay shalay oo ugu danbeysay, waxey carabka ku dhufteen in ay liidato xaaladda weriyaha, isla markaana uu ka go’ay raashiinkii.

Waalidiinta weriye Maxamed Ibraahim Bulbul oo ayaa iyaguna tilmaamay in loo diiday in ay arkaan wiilkooda, taas oo walaac ku kordhisay qoyska weriyaha.

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah, dalalka ay adag tahay in ay ku shaqeeyaan saxaafada xorta ah, waana kuwo la kulma falal isugu jira, handadaad, xarig iyo dil bareer ah.

Exit mobile version