Monday, September 15

Si xooggan ayaa looga deyrinayaa marxalada adag ee ay ku sugan tahay Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo uu ku fatahay Webiga Shabeelle.

Dad badan ayaa isaga barakacay gudaha magaalada, kadib saameyntii ay fatahaada ku yeelatay, waana kuwo tuban bannaan cidlo ah.

Fatahaada ku dhufatay magaalada Baledweyne, oo iminka khasaaraheedu kooban yahay ayaa laga cabsi qabaa in ay ka ballaarato inta ilaa iyo iminka ay gaareyso.

Waxaa sidoo kale gurmad u baahan dad badan oo ka barakacay guryahooda, kuwaas oo ay ku jiraan caruur iyo haween uur leh, waana kuwo u baahan gargaar deg deg ah.

Magaalada Baledweyne ayaa sodonkiii sano ee la soo dhaafay dhibaato ba’an ku qabtay fatahaada uu sameeyo webiga Shabelle, taas oo saameyn xooggan ka geysata gudaha magaaladaasi.

Exit mobile version