Waxaa kordhaya wal walka soo food saaray dadka ku nool Magaalada Baladweyne, kuwaas oo uu ku fatahay webiga Shabeelle, isla markaana qaarkood ay weli ku jiraan go’doon.
Dadka uu webigu ku fatahay ayaa wajahaya maalmihi ugu adkaa noloshooda, waxaana saacadihii la soo dhaafay geeriyooday ilaa seddex qof, oo ka mid ah dadka go’doonsan.
Dad badan ayaa ku go’doonsan Xaafada Buunda-weyn ee magaalada Baladweyne, waxaana dhinacyada ka xiga biyo aad u fara badan, taas oo adkeysay in gargaar lala gaaro.
Qaar ka mid ah dadkan oo warbaahinta la hadlay ayaa tilmaamay in xaaladooda ay ka sii dareyso, maaddaama ay iminka gaajo u geeriyoodeen seddex ka mid ah dadka halkaasi ku go’doonsan.
Gudaha gobolka Hiiraan, waxaa xaalad adag sidoo kale qaabilaya, dadka ku sugan magaalooyinka Buulo-burde iyo Jalalaqsi, kuwaa oo uu iyaguna ku fatahay webiga Shabeelle, waxaana badankood ay ka barakaceen aqaladoodii.