Friday, September 12

Dagaal khasaare kala duwan geystay ayaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacay Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa u dhaxeeyey ciidamada Maamulka Hirshabelle iyo kuwo taabacsan maamulka Hiiraan State ee uu kal hore ku dhawaaqay Cali Jeyte Cismaan.

Dagaalkan ayaa qaatay saacado aad u badan, waxaana dhinacyada ay isku adeegsadee hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dadka deegaanka qaarkood ay barakaceen.

Inta la ogyahay dagaalkan waxaa ku geeriyooday 2 qof, halka uu dhaawac ka soo gaaray 5 kale, oo iminka lagu dabiibayo xarumaha caafimaadka Baladweyne.
Cali Jeyte Cismaan oo kal hore sheegtay Madaxweynaha Hiiraan State, ayaa dagaalkan ku eedeeyey Hirshabelle, oo uu sheegay in ay ciidamo ka keeneen Jowhar, si ay u qal qal galiyaan amniga Baladweyne.

Xaaladda Baladweyne ayaa kacsan waxaana saacad walba macquul ah inuu halkaasi ka qarxo dagaal, xilli ay kordheyso diidmada dadka reer Baladweyne ee maamulka Hirshabelle.

Exit mobile version