Saturday, September 13

Weli waxaa taagan xiisadii adkeyd ee ka dhalatay xil ka qaadistii Gudoomiyihii Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.

Cali Jeyte oo ka soo horjeestay xil ka qaadistaasi, ayaa ku dhawaaqay maamul cusub, kaas oo la magac baxay Hiiraan State.

Ku dhawaaqistiisa maamulka cusub waxey kala qeybisay siyaasiyiintii maamulkaasi ka soo jeeday, kuwaas oo qaarkood ku dhaliilay sida uu uga fal celiyey xil ka qaadistii lagu sameeyey.

Cali Jeyte ayaa taageero ka heysta siyaasiyiin kooban oo ku abtirsada Hirshabelle, iyo inta badan shacabka reer Hiiraan.

Balse kuwo ka soo horjeeda oo shir jaraa’id qabtay ayaa kula taliyey in aanu kala qeybin dadka reer Hirshabelle, isla markaana uu aqbalo xil ka qaadista lagu sameeyey.

Madaxda Maamulka Hirshabelle oo ka jawaabay maamulka cusub ee uu ku dhawaaqay, ayaa carabka ku dhuftay in maamulkaasi aanu shaqeyn doonin, iyagoo uga digay kacdoonka uu ka wado Baladweyne.

Exit mobile version