Friday, September 12

Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto ayaa ku guuleystay doorashada madaxtinimada Kenya, sida ay shaaciyeen guddiga doorashada oo goor dhaweyd ku dhawaaqay in William Ruto uu ku guuleystay doorashada isagoo helay 50.49%. Ruto ayaa noqonaya madaxweynaha 5-aad ee jamhuuriyadda Kenya.

“Waxaan caawa halkan u joognaa inaan goob joog ka noqonno munaasabaddan qiimaha badan iyadoo dadka Kenya ay xaqiijiyeen qodobka koowaad ee dastuurka Kenya kaas oo dhigaya in dhammaan awoodda madax-bannaanida ay leeyihiin shacabka Kenya,” ayuu yiri Mr Ruto kaddib markii lagu dhawaaqay guushiisa isagoo shacabka reer Kenya kala hadlayay isla madasha lagu shaaciyay natiijada.

“Waxaan rabaa inaan Ilaahay uga mahad naqo in uu heerkan ina soo gaarsiiyay, waxaan Illaahay ugu mahad naqayaa in maanta aynu soo gebagebaynay doorashadan.

“Waxaa jirtay saadaasha ah inaanan halkan soo gaari karin, laakiin awoodda Alle ayaan kusoo gaarnay, waxaana rabaa inaan si gaar ah u sheego, oo aan qirto, in Alle la’aantiisa aanan halkan isugu imaan laheyn. “

Waa guul u soo hoyatay Mr Ruto oo olole xoogan oo uu usoo galay doorashadan ku qanciyay dadyow badan in ay taageeraan qorahihiisa.

Dhanka kale, Raila Odinga ayaan isagu kasoo qeyb galin munaasabadda ku dhawaaqista natiijada doorashada taas oo ay dad badani u fasirteen in aanu mar kale ku qancin natiijada doorashada isagoo horay tiro 4 jeer ah ugu soo guuldareystay doorashooyinka madaxtinimada Kenya.

Axmed Dhaqane, Nairobi

Exit mobile version