Friday, September 12

Madaxweynaha dhawaan la doortay ee Kenya William Ruto ayaa sheegay in la socoshada iyo wax ka qabashada isbeddelka cimilada uu qeyb weyn ka noqon doono qorshaha dowladdiisa, wuxuuna ballan qaaday inuu sare u qaadi doono tamarta nadiifka ah, isla markaana meesha laga saari doono shidaalka laga dhaliyo korontada sanadka 2030-ka.

“Dalkeena, haweenka iyo ragga, dhalinyarada, beeralayda, shaqaalaha, iyo bulshada inteeda kale ayaa la kulma cawaaqibka ugu weyn ee isbedelka cimilada,” ayuu ka yiri Ruto munaasabadii lagu dhaarinayay isaga iyo ku xigeenkiisa.

“Waa inaan si deg-deg ah u howl galnaa si aan heerarka kulka caalamiga ah uu uga hooseyno 1.5 Celsius, isla markaana caawinaa dadka uu sida gaarka ah u saameeyay isbadalka cimilada, isla markaana joojinaa ku tiirsanaanta fosil-ka shidaalka,” ayuu raaciyay, isagoo ku celceliyay baaqyada Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ah in la gooyo ku tiirsanaanta adduunka ee dhuxusha, saliidda iyo gaaska.

Isagoo tixraacaya tallaabooyinka dalkiisa ee ku aadan wax ka qabadashada isbeddelka cimilada ee ay Kenya u gudbisay Qaramada Midoobay, ayuu Ruto ballan qaaday in Kenya ay si buuxda uga gudbi doonto isticmaalka korontada una gudbi doonto isticmaalka tamarta qoraxda, dabaysha iyo tamarta dhulka marka la gaaro 2030.

“Kenya waxa ay ku socotaa u gudubka hanaanka tamarta nadiifka ah oo gacan weyn ka geysan doona shaqooyinka, dhaqaalaha gudaha, iyo wax soo saarka warshadaha,” ayuu yiri Ruto.

“Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dowladaha Afrika inay nagula soo biiraan safarkan. Afrika ayaa hogaamin karta aduunka. Waxaan leenahay awood aad u weyn oo tamarta lagu cusboonaysiin karo.” ayuu sii raaciyay hadalkiisa William Ruto.

Ruto ayaa dhanka kale sheegay in uu inta lagu guda jiro shirka soo socda ee Qaramada Midoobay ee cimilada ee ka dhici doona magaalada Sharm el Sheikh ee dalka Masar bisha soo sococta ee November in uu hormuud ka noqon doono sidii ay qaarada Afrika wada xaajood uga gali laheyd sidii ay u heli laheyd dhaqaalaha iyo tignoolajiyada loo baahan yahay in lagu lagu taageero wadamada la tacaalaya saameynta isbedelka cimilada.

Axmed Dhaqane, Nairobi

Exit mobile version