Israa’iil ayaa dishay arbacadii aynu ka soo gudubnay saddex wiil oo uu dhalay hoggaamiyaha sare ee Xamaas, Ismaaciil Haniyah, kadib weerar dhanka cirka ah oo ay ka geysteen Gaza, taas oo xaaladda sii cakireysa.
Duqeynta dhanka cirka ah waxaa sidoo kale ku geeriyooday afar caruur ah oo uu awoowe u ahaa Ismaaciil Haniyah, waxaana masuuliyada duqeymahan si cad u sheegatay Israa’iil.
Israa’iil ayaa cod dheer ku sheegtay in wiilashada seddexda ah ee uu dhalay hoggaamiyaha sare ee Xamaas, Ismaaciil Haniyah ay ka tirsanaayeen garabka hubaysan ee Xamaas, warkaas oo aan la xaqiijin karin
Warkan dhiilada leh ayaa gaaray Ismaaciil Haniyah, oo ku nool dalka Qatar, xilli uu booqanayey, qaar ka mida dadka ku dhaawacmay dagaalka Qaza, ee lagu dabiibayo Dooxa, waxaana wiilashan ay noqonayaan kuwii ugu magaca sareeyey ee lala xiriirinayo Xamaas.
Weerarkan ayaa saameyn lixaad leh ku yeelan kara dadaaladii la xiriiray xabad joojinta ee Israa’iil iyo Xamaas, waxaana weli muuqata in Israa’iil ay wado xasuuq wadareedyada ay geysaneyso.