Saturday, September 13

Wararka naga soo gaaraya waqooyiga Magaalada  Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa sheegaya in xalay  halkaasi lagu dilay wiil dhallinyaro ah  oo lagu magacaabi jiray Cabdiraxmaan Rooble.

Wiil ayaa geeriyooday kadib markii ay rasaas ku fureen kooxo hubeysan, kuwaas oo isku dayay in ay ka dhacaan Taleefankiisa gacanta.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta ka baxsaday, ilaa iyo iminkana ma jirto cid loo soo qabtay falkaasi, waxaase jira warar sheegaya in baaritaan lagu hayo kuwii ka danbeeyey falkaasi.

Degaannada  Maamulka Puntland ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ku soo badanayay  Falalka Lidigu ku ah Amniga, iyadoo Hay’adaha Amniga  Puntland marar badan ay ku cel celiyeen in ay wax ka qabanayaan Amni Xumada ka jirta degaannada Puntland.

Exit mobile version