Friday, September 12

Duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa maanta lagu aasay weriye Ismaaciil Sheekh Khaliifa, kaas oo xalay ku geeriyooday gudaha Caasimadda.

Aaska marxuumka, waxaa ka soo qeyb galay weriyayaal iyo masuuliyiin ka tirsan dowladda, kuwaas oo ehelka uga tacsiyeeyey geerida ku timid saxafiga.

Eheladiisa ayaa aaska ka sheegay inuu Ismaaciil u geeriyooday, dhibaatadii ka soo gaartay qaraxii lala eegtay sanadkii 2018-kii, kaas oo gaarsiyey dhaawac aad u culus.

Qaraxaasi ayaa soo de dejiyey in Ismaaciil laga jaro mid ka mid ah labadiisa lugood, waxaana xanunkii uu ka qaaday dhacdadaasi, ay ugu danbeyn sababtay inuu u geeriyoodo.

Ismaaciil Sheekh Khaliifa ayaa ka mid ahaa weriyayaasha ugu fir fircoon gudaha dalka, kaas oo wax badan ka tari jiray arrimaha bani’aadminada, isagoo door muuqda ka ciyaari jiray difaaca xuquuqda saxafiyiiinta.

Exit mobile version