Friday, September 12

Alle ha u naxariisto waxaa magaalada Muqdisho ku geeriyooday, Weriye Ismaaciil Sheekh Khaliifa, oo muddo dheer ka mid ahaa bahda Saxaafada.

Weriyaha ayaa maalmihii ugu danbeeyey ku xanuunsanayey gudaha Muqdisho, halkaas oo uu ugu danbeyn ku geeriyooday.

Ismaaciil Sheekh Khaliifa, ayaa caan ku ahaa u doodista xuquuqda weriyayaasha, waxaana xusid mudan in sanadkii 2018 lagu dhaawacay gudaha Muqdisho.

Dhaawaciisa oo xilligaasi halis ahaa ayaa yimid, kadib markii walxaha qarxa loogu xiray gaari uu watay oo marayey markaasi wadada Maka Al Mukarama.

Dhaawaca ayaa weriyaha u geystay dhibaato xooggan oo dhanka qeybaha hoose ee jirkiisa ah, waxaana ugu danbeyn uu caawa ku geeriyooday Muqdisho.

Ismaaciil Khaliifa, ayaa sidoo kale wax ka dhigi jiray qaar ka mid ah Jaamacadaha Muqdisho, isagoo ahaa shaqsi fir fircoon oo ka dhex muuqday warfidiyeenada, wuxuuna si gaar ah uga shaqeyn jiray arrimaha bulshada iyo tan bani’aadminimada.

Exit mobile version