Monday, September 15

(Hortabin Media) – Waxaa xoriyadiisa dib u helay Weriye Maxamed Cabdi Bulbul, kaas oo muddo labo bilood ah u xirnaa booliska Soomaaliya.

Weriyaha ayaa la sii daayey kadib markii lagu waayey wax denbi ah, taas oo ka mid ah tacadiyada loo geysanayo saxaafada madaxa bannaan ee Soomaaliya.

Weriyaha ayaa awoodi waayey inuu la hadlo saxaafada, sababo la xiriira xanuun uu ka dhaxlay xarigii loo geystay, taas oo saxaafada argagax ku noqotay.

Saxafiyiintii goobta ka hadlay ayaa dowladda ka dalbaday in ay magdhaw siiso saxafiga, maaddaama muddo labo bilood ah uu ku xirnaa sifo sharci darro ah.

Exit mobile version