Tuesday, September 16

(Hortabin Media) – Waxaa si aad ah looga deyrinayaa xaaladda caafimaad ee weriye Bulbul, kaas oo sifo sharci darro ah ugu xiran dowladda Soomaaliya.

Weriyaha ayaa xabsiga ku jira in ku dhaw bil iyo bar, iyadoo maxkamada gobolka Banaadir ay diiday eedeymaha xeer ilaalinta ay u soo jeediyeen saxafiga.

Labbo cisho ka hor Maxkamada gobolka Banaadir oo uu weriyuhu ka soo hor muuqday, waxaa adkaatay in Maxkadamddu aqbasho eedaha ay xeer ilaalinta ku soo oogtay weriye Bulbul.

Fadhigii Maxkamadda ayaa ahaa mid muujinayey caddaalad darada lagu heysto saxafiga, kaas oo lagu dulminayo shaarka dowladnimo.

Xilligan Xaalada weriyaha waxaa aad uga deyrinaya ehelkiisa, bahda saxaafada iyo Ururka Somali Journalists Syndicate – SJS, oo uu saxafigu xubin fir fircoon ka ahaa, isagoo ku magacownaa, xoghaya warfaafinta iyo xuquuqda aadanaha ee ururkaasi.

Sidoo kalw Waalidiinta weriye Maxamed Ibraahim Bulbul oo ayaa iyaguna tilmaamay in loo diiday in ay arkaan wiilkooda, taas oo walaac ku kordhisay qoyska weriyaha.

Soomaaliya ayaa qeyb ka ah, dalalka ay adag tahay in ay ku shaqeeyaan saxaafada xorta ah, waana kuwo la kulma falal isugu jira, handadaad, xarig iyo dil bareer ah.

Exit mobile version