Friday, September 12

Muddo 5 bilood kor u dhaafeysa, waxaa Hargeysa ku xiran gabar weriye ah, taas oo lagu magacaabo Bishaaro Baande, oo uu maamulka Somaliland eedo ku soo ooggay, kadib fariimo ay ku daabacday bogga ay Facebooga ku leedahay.

Xaaladda gabadhan ayaa laga deyrinayaa, waxaanay eheladeeda ay codsanayaan in gabdhooda xabsiga laga sii daayo, ama sida ugu dhaqsiyaha badan loo horgeeyo hay’adaha caddaalada Somaliland.

Geesta kale Hay’adda u doodda xuquuqda weriyayaasha ee the Committee to Protect Journalist (CPJ) ayaa ku baaqday in degdeg loo sii daayo weriye Bushaaro Baanday.

Sidoo kale Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee Solja ayaa ugu baaqay Hay’adaha Xukuumadda inay Baaritaanka Xadhiga Wariye Bishaaro Baande loo raaco sida dastuurka Somaliland qorayo oo aan dib u dhac iyo habsaan lagu sameyn kiiskeeda.

Dhamaan baaqyada Somaliland dhagaha ayey ka fureysatay welina waxa ay xabsiga ku sii hayaan weriye Bishaaro Baande, iyadoo 5 casho ka hor ka soo hor muuqatay Maxkamada Maroodi-jeex, waxaase dib loo dhigay kiiskeeda.

Waxa ugu weyn ee lagu heysto Bishaaro Baande ayaa ah fariimo ay ku daabacday bogga ay Facebooga ku leedahay kuwaas oo ay dhibsadeen Somaliland, waxaana xeer ilaalintu ku eedeysan kicin bulsho.

Exit mobile version