Friday, September 12

Maanta waxaa Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ee Hargeysa ka soo hormuuqday Weriye Bishaaro Baande oo in muddo ah u xirnayd maamulka Somaliland.

Weriyaha oo lagu soo eeddeeyey, eed la xiriirta kicin bulsho, ayaa maanta si qoto dheer kiiskeeda looga dooday, waxaana dib loogu celiyey xabsiga.

Maxkamada ayaa dib u dhigtay xukunkeeda, xilli ay ehelkeedu sheegayaan in lagu heysto sifo sharci darro ah.

Bishaaro Baande ayaa xabsiga u jiifta muddo 5 bilood ku dhaw, fariin ay soo dhigtay baraha bulshada, taas oo ay ku muujineysay aragtideeda ku aaddan Somaliland.

Exit mobile version