Friday, March 13

Afhayeenka Wasaaradda gaashaandhigga Kuwaiti, Koroneel Saud Al-Atwan, ayaa sheegay in tan iyo waaberigii Khamiista, dalka lagu qaaday weerarro ay ka mid yihiin shan gantaal ballistic ah iyo sagaal drone, kuwaas oo sababay khasaarooyin nafeed iyo kuwo hantiyeed, inkastoo uu faahfaahin buuxda ka bixin.

Al-Atwan ayaa bayaan uu bixiyey ku sheegay in afar gantaal la burburiyey, halka kan shanaad uu ku dhacay “meel ka baxsan aagga halista”, sida uu hadalka u dhigay. Waxa kale oo uu intaa ku daray in nidaamyada difaaca cirka ay qabteen oo burburiyeen shan drone, halka laba kale ay ku dhaceen meel ka baxsan aagga halista, labada kale ee haray ay beegsadeen “goobo muhiim ah”, iyagoo sababay khasaarooyin nafeed iyo hantiyeed.

Afhayeenku wuxuu xaqiijiyey in dhawaqa qaraxyada ee laga maqlay meelo ka mid ah dalka uu sababay qabashada iyo burburinta gantaalada hawada , isagoo ku adkeeyey “baahida loo qabo in la raaco tilmaamaha amniga iyo badbaadada ee ay soo saareen hay’adaha masuulka ah.”

Sidoo kale Afhayeenka Wasaaradda Difaaca Sacuudiga ayaa sheegay in diyaarad aan duuliye lahayn la qabtay lana burburiyay iyadoo ku sii jeedday xarunta Shidaalka ee Shaybah, Drone-ka ayaa lagu soo riday gudaha goobta lagu magacaabo Rub’ al Khali ka hor inta aysan gaarin goobta shidaalka, Tan iyo intii uu bilaabmay dagaalka Iiraan waxaa sacuudiga lagu qaaday weeraro Gantaalo iyo Dronis-ka.

Geesta kale Ciidamo u dhashay UK oo ku sugan saldhig militari oo ku yaalla Iraq ayaa la weeraray iyada oo la adeegsanayo diyaarado aan duuliye lahayn (drones) laga leeyahay Iran, sida ay ogaatay BBC News, Ma jirin askar British ah oo ku dhaawacantay weerarka, balse qaar ka mid ah askarta United States ayaa ku dhaawacmay.

Saldhigga reer galbeedka ee ku yaalla Erbil ee waqooyiga Iraq waxaa gacanta ku haya Maraykanka, balse marar badan waxaa ku sugan ciidamada kale ee waddammada isbahaysiga la ah, oo ay ku jiraan kuwa British-ka.

Ciidamo British ah ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay loo diray gobolka si ay u soo ridaan drones-ka Iran, Waxaa la fahamsan yahay in laba drone oo Iranian ah oo ku socday saldhiggaas la burburiyay habeenkii Arbacada iyada oo la adeegsanayo gantaallo dhulka ka kacaya ee lagusoo rido droneska.

Si kastaba ha ahaatee, tiro aan la cayimin oo gantaallo ama walxo kale ah ayaa ku dhacay saldhigga, taasoo keentay dhaawac soo gaaray askar Maraykan ah, inkastoo la sheegay in dhaawacyadu aanay ahayn kuwo culus.

Exit mobile version