Monday, September 15

Al Shabaab ayaa kordhisay weerarada rogaal celiska ah ee ku soo qaadayaan deeganada laga qabsado, waxaana weeraradaasi ka dhasha khasaare kala duwan.

Weeraradan oo ah kuwo gaadmo ah, ayey kooxdu soo qaadaa xilliyo cayiman sida gabal dhacii iyo aroornimadii, waana kuwo ay guulo ka sheegtaan.

Arrinta ayaa waxaa la rumeysan yahay in ay fududeynayaan ciidamo dowladda ka tirsan, kuwaas oo si qarsoodi ah ula shaqeeya Al Shabaab.

Dadka aqoonta u leh amniga ayaa ku talinaya in isgaarsiinta laga xanibo ciidamada, isla markaana ay muujiyaan feejignaan dheeri ah, si looga baaqsado khasaaraha ay dhalinayaan weeraradaasi.

Exit mobile version