Friday, September 12

Waxaa si xooggan u kordhaya weerarada ay kooxda Al Shabaab ka geysanayaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan deegaanada waqooyi Bari.

Shalay oo ugu danbeysay kooxda ayaa fulisay weerar qarax ah oo ay la beegsadeen maqaayad ku taalla magaalada Mandheera ee Waqooyi Bari Kenya.

Maqaayada ayaa xilligii uu qaraxu ka dhacayey ahayd mid mashquul ah, waxaana taasi ay sababtay geerida 3 qof oo shacab ah, kuwaas oo qeyb ka ahaa dadkii maqaayada ku sugnaa.

Qaraxan waxaa sidoo kale ku dhaawacmay 13 qof oo rayid ah, kuwaas oo xaaladooda caafimaad lagula tacaalayo xarumaha caafimaadka ee ku yaalla magaalada Mandheera, waxaana ku jira bukaano dhaawacoodu culus yahay.

Booliska Kenya oo goobta yimid ayaa sameeyey baaritaano, waxeyna sheegeen in ay ku daba jiraan kooxdii falka ka danbeysay, inkastoo aan weli cidna loo soo qaban.

Weerarkan qaraxa ah iyo kuwii ka horeeyey ee lagu beegsaday ciidamada Kenya ayaa muujinaya in ay si xowli ah u kordhayaan weerarada Al Shabaab ay ku fulinayaan gudana Kenya, waana khatar amni oo walaac ku abuurtay dadka rayidka ah.

Exit mobile version