Thursday, September 11

Kooxo hubeysan ayaa weeraray safaarada ay ku leedahay dalka Sudan, iyagoo khasaare bur bur ah u geystay dhismaha safaarada.

Kooxdii Safaarada weerartay ayaa gudaha u galay dhismaha safaarada, walow aysan geysan wax bililiqo ah.

Dhacdadan waxaa aad u canbaareeyey masuuliyiin safaarada Soomaaliya ee dalka Sudan, oo ku tilmaamay arrin aan la aqbali karin.

Dalka Sudan waxaa weli socda dagaallada, iyadoo saakay milatarigu ay weerar duqeymo ah ka fuliyeen Khartuum, iyagoo isku dayaya in ay dib u riixaan xoogaga gurmadka deg dega.

Dagaalka ka socda Sudan, ayaa jiitamaya muddo bil ah, mana jirto guullo laga gaaray wada hadaladii shalay dhinacyada isku haya dalkaasi uga furmay Sacuudiga.

Exit mobile version