Friday, September 12

(Hortabin Media) – Maamulka Somaliland ayaa gabi ahaanba ka soo horjeestay in Soomaaliya ay Somaliland ku matasho ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC).

Qoraal ka soo baxay Wasaarada arrimaha dibadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in maamulku uu walaac ku muujinayo masiirka gayiga Somaliland ee gacanta loo gelinayo Soomaaliya, waxey codsadeen in arrintaasi laga laabto.

Somaliland ayaa tilmaantay in waqtigan la joogo goortii loo aqoonsan lahaa dowladd madax bannaan, taas oo aayaheeda gaarka ah u madax bannaan.

Qoraalkan ayaa lagu yiri “Waxaanu si xooggan aaminsannahay in go’aankani yahay mid xad-gudub cad ku ah qaranimada, madax-banaanida iyo midnimada dhuleed ee Somaliland,”

Dalka Soomaaliya ayaa jimcihii helay xubinimadiisa ururka Bulshada Bariga Afrika (EAC), iyagoo noqday dalkii 8-aad ee xubin ka noqda dalladaasi, oo fursad badan ay Soomaalidu ugu jirto.

Exit mobile version