Saturday, September 13

Webiga Shabeelle ayaa fatahaad hor leh ka sameeyey magaalada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Fatahaada uu sameeyey webiga ayaa waxaa ka dhashay khasaare aad u fara badan, waxaana xaafado ka tirsan Buulo-burde buux dhaafiyey biyaha webiga.

Sida guddiga gurmadka fataahada hiiraan ay u sheegeen warbaahinta, waxaa weli socda gurmadka loogu jiro in la xakameeyo biyaha webiga, taas oo haddii lagu guuleysan waayo keeni karta in fatahaadu ay saameyso meelo badan.

Guddiga ayaa dowladda iyo Maamulka Hirshabeelle ka codsaday in ay kaalin ka qaataan samata bixinta dadka rayidka ah, kuwaas oo qaarkood wal wal ku nool, maaddaama ay guryahoodio ka soo barakaceen.

Exit mobile version