Monday, September 15

Saacadihii la soo dhaafay ayaa waxaa  Wabiga  Shabeelle uu fatahaad xoogan ka sameeyay Xaafado katirsan Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaas oo saameyn xoogan ku yeeshay Xaafadaha degmadaas.

Wabiga ayaa si weyn ugu fatahay Xaafadaha Bundaweyn iyo Howlwadaag, kadib markii u wabiga Xalay saqdii dhexe karkaarada jabsaday.

Xaafadahaan ayaa dadkii daganaa intooda badan ay horay uga barakaceen dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay, hayeshee waxaa jiray dad kooban oo ku harsanaa xaafadaha oo Xalay habeen barkii biyaha guryaha ugu galeen.

Duhurninadii Shalay ayay aheyd markii uu wabiga ku fatahay qeybo ka mid ah xaafadaha Kooshin iyo Xaawa taako.

Ma jirto ilaa hadda wax khasaare nafeed ah oo ay geysteen fatahaada ku dhufatay inta badan xaafadaha Baledweyne.

Exit mobile version