Friday, September 12

Walaac xooggan ayaa laga qabaa xilligan in webiga Shabeelle uu ku fataha magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, oo ka mid ah meelaha uu maro webiga Shabeelle.

Waxgaradka Hiiraan ayaa sheegaya, in toddobaadkan ay biyo xoogani webiga ka soo galayaan dhanka Itoobiya, taas oo ah culeys kale oo ay wajahayaan dadka reer Baladweyne.

Guddoomiyaha guddiga gurmadka fatahaada ee Beledweyne Xaaji Cismaan Dhagaxow Harur, oo la hadlay Warbaahinta ayaa xusay, in biyaha soo socda ay yihiin kuwa xooggan, oo keeni kara in ay karkaarada jabiyaan.

Gudoomiyaha ayaa hoosta ka xariiqay in ay wadaan kormeer ay ku qiimeynayaan, xadiga ay la egtahay fatahaada, wuxuu kalsooni xumo ka muujiyey in laga baaqsan karo fatahaada ku soo wajahan Baledweyne.

Xaaji Dhagaxow, ayaa ugu danbeyntii Dowladda dhexe iyo Maamulka Hirshabelle ugu baaqay, in ay iska kaashadaan qorshihii lagu baajin lahaa fatahaada la filayo inuu sameeyo webiga Shabeelle.

Baledweyne oo ku taalla bartamaha Soomaaliya, ayaa dhibaato fara badan ka dhaxasha fatahaada uu sameeyo webiga Shabeelle, taas oo keenta in dad fara badan ay guryahooda ka barakacaan, halka kuwa kalana ay ka soo gaarto khasaare nafeed.

Exit mobile version