Sunday, September 14

(Hortabin Media) – Webiga Shabeelle ayaa sameeyey fatahaad aad u xooggan, waxaana iminka xaalad adag ku sugan deegaanno hor leh oo ka tirsan gudaha Hirshabelle.

Deegaanada xaaladd culus ay soo food saartay waxaa ka mid ah Mahadaay, Jalalaqsi iyo Buulo-Burte, kuwaas oo si xooggan ugu fatahay webiga.

Sida ay xaqiijiyeen dadka deegaanka iyo maamulka degaanadaasi,  xajmiga biyaha webiga ayaa ka sare maray sidii uu ahaa, waxaana weli uu wadaa webigu fatahaada.

Arrintan ayaa xaalad murugsan galisay dadka ku sugan deegaanadaasi, kuwaas oo qaarkood barakacay, halka kuwo kalana ay ku sugan yihiin xaalad go’doon ah.

Maamulka Hirshabelle oo la hadlay warbaahinta ayaa dalbaday in gurmad deg deg ah lala soo gaaro, dadka uu saameynta xooggan ku yeeshay daadadka ka dhashay fatahaada webiga.

Exit mobile version