Friday, September 12

Waxaa kordhaya dhibaatooyinka uu bulshada Soomaalida u gaysanayo qaadka, oo ka mid ah maan-dooriyayaasha ay Soomaalidu sida aadka ah u isicmaasho, iyadoo la helayo kiisas caafimaad darro oo ka dhashay caleentaasi.

Qaadka wax ku cusub ma ahan gudaha dalka, waxaase la sheegayaa in markii ugu horreysay uu Soomaaliya soo gaaray wixii ka horreeyey xornimada, markaasoo ay isticmaali jreen wadaadada suufiyada, kuwaasoo qur’aanka ku akhrisan jiray si aanay u luloon.

Markii ay dowladda kacaanka dalka la wareegtayna waxaa cunnistiisa lagu yaqaanay ciidamada Soomaalida ee ilaaliya xuduudaha, iyadoo markii danbana lagu arkay fanaaniinta kuwaasoo ku shaqeyn jiray mararka ay soo saarayaan bandhig masraxeedyada.

Si kastaba Soomaaliya ayaa waayadii ugu danbeysay ku baahay, waxana kolka laga yimaado ragga, iminka cunnistiisa ku soo biiray haweenka, oo ay waqtiyadii hore ku yaraa isticmaalkiisa.

Halista Caafimaad.

Qaadka ayaa bulshada Soomaalida dhan walba ka saameeyey, waxana kordhaya dadka ka dhaxlaya xaaladaha caafimaad darro, kuwaasoo misana aan joojineynin, maadaama ay qabatimeen.

Jaadka oo la dagaalama caafimaadka ayaa laga qaadaa xanuuno kala duwan oo ku dhaca uur-ku jirta, sida beerka, iyadoo sidoo kalana uu waxyeeleeyo caafimaadka afka ee qofka aaddanaha ah.

Wuxuu kaloo sababaa hurdo yari, daal fara badan iyo qaraw, qofka u diidaya inuu si fiican u lado, waana maadooyinka maandooriyaha ah ee ku jira oo ay ka mid tahay maadada maadada cathine, taasoo la ogaaday in caleenta jaadka ay ku jirto sanadkii 1930-kii

Dhaqaalaha.

Dhinaca dhaqaalaha ayuu sidoo kale kale ka curyaamiyey dadka qabatimay, mana jirto wax shilimaad ah oo ay keydsan karaan, sababo la xiriira in xilli walba ay doonayaan in ay iibsadaan

Dhaqaalaha dalka ayuu sidoo kale hoos u dhigay, maadaama uusan dalka ka bixin, isla markaana looga keeno wadamada Itoobiya iyo Kenya

$130 Milyan oo dollar, lacag lagu qiyaasay ayaa si maalinle ugu xaroon jirtay Kenya 30-kii sano ee la soo dhaafay, sida lagu sheegay warbixin uu TV-kenya ku yaalla tabiyey 2011-kii

Waxaase ka sii horreysay daraasad ay Xarunta Ganacsiga iyo deegaanka Mareykanka, ku sameysay  sanadkii 1993-kii dhaqaalaha Soomaaliya qaadka uga baxa, taasoo lagu sheegay in Hal Milyan oo dollar ay sanadkii Soomaaliya ku bixiso jaadka.

Yaa ku tiirsan.

Qaadka ayaa dadka ka ganacsada waxaa u badan haween, kuwaasoo mar walba sheega in ay ku koriyaan caruur ay dumarkaasi ku dayaceen aabayaashooda ama kuwa agoon ah.

Haweenkan ayaa cod dheer ku sheega in loo sameeyo shaqo abuur, si ay uga waantoobaan ka ganacsigiisa, oo ah mid saameyn culus ku leh Soomaalida.

Dalalka joojiyey.

Ingiriiska ayaa mamnuucay gabi ahaanba qaadka, iyadoo 25 sano ka horna ay dowladda mareykanka ka joojisay dalkeeda, oo iminka qaab kotorobaan ah ay ku geeyaan Soomaalida.

Waxaa kale oo jira in dalal kale oo reer yurub ah aan laga oggoleyn isticmaalka jaadka, waana mid ka dhalatay khatarta uu ku leeyahay caafimaadka qofka bani’aaddanka ah .

Qubarada ukuur gashay halistiisa ayaa ku talinaya in laga wacyi galiyo dadka qabatimay, isla markaana loo abuurro waxyaabaha ay naftooda ku madadaaliyaan, sida in loo qabto tartamo kubadeed.

Dhan kastaba, qaadka oo ah caleen kicin fudud ku abuurta dareemaha qofka calaliya ayey WHO sheegtay, in ay ku jirto maadada katinoonka taasoo daciifisa  awoodda maskaxda qofka qabatima, waxana jaadka Soomaaliya ugu yimaada kenya iyo Itoobiya uu 30-kii sano ee la soo dhaafay ahaa dhibaatada ugu weyn ee hareysay nolasha Soomaalida, iyadoo loo tiriyo masuuliyada bur bur qoyseed iyo dayaca ubadeed.

Exit mobile version