Friday, September 12

8 casho oo qura ayaa ka dhiman 15-ka May oo ku buuxsameysa muddo sanad ah oo ka soo wareegtay markii qabashada hoggaanka dalka loo doortay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxaana jirta xilligaasi in madaxweynuhu uu sameeyey balan qaadyo lagu horumarinayo hannaanka dowladnimada, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Dhameystirka Dastuurka, Qabashada doorasho qof iyo cod ah, xoreynta dalka, arrimaha deyn cafinta, dib u heshiin shacabka gudihiisa iyo kuwo kale.

Haddaba muddada sanadka ah ee uu Madaxweynuhu xilka hayey maxaa u hirgalay maxaase laga gaabiyey oo weli dhiman?

Madaxweynaha ayaa guullo la taaban karo ka soo hoyey arrimaha amniga, sida la dagaallanka Al Shabaab, Waxaana kooxda Al Shabaab gacantooda laga saaray dhul badan oo ku yaalla Maamullada Hirshabelle iyo Galmudug

Madaxweynaha ayey dowladiisu weli dhaqaajin qoddobo ay ka mid  yihiin Dhameystirka Dastuurka, diyaarinta doorasho qof iyo cod ah iyo arrimaha deyn cafinta, kuwaa oo ka mid ah qoddobadii uu Madaxweynuhu ballan qaaday.

Dhanka heshiisiinta Soomaalida gudaheeda ah, waxaa iminka soo if baxaya wada shaqeyn la’aan ka dhaxeysa dowladda dhexe iyo Maamulka Puntland, taas oo qoddobkaasi caqabad ku noqon karta.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa muddo xileedkiisa waxaa ka mid ah  3 sano, waxaana laga dhursugayaa in madaxweynuhu gabi ahaanba uu ka dhabeeyo dhamaan qodobadii uu ballan qaaday in dowladiisu hirgalin doonto.

Exit mobile version