Sunday, September 14

Gudaha Muqdisho, noocyada kala duwan ee waxyaabaha maanka dooriya ayaa dhibaato weyn ku haya dhallinyarada, kuwaas oo qaarkood nolosha ka dhacay.

Dhallinyaradan ayaa isticmaala, Balwado ay ka mid yihiin, Xashiishka, Qamriga iyo kaniiniyaal maandooriye ah, kuwaas oo waxyeelo u geysanaya noloshooda.

Qaar ka tirsan dhallinyarada ayaa isku dur cirbado daroogo ah, iyagoo cirbadahaasi ka soo iibsaday goobaha caafimaadka ee loo yaqaan Farmashiyaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa 6-dii bilood ee ugu danbeysay qaaday tallaaboyin ay uga hortageyso waxyaabaha maanka dooriye.

Dowladdu waxey bur buriso goobihii lagu iibinayey waxyaabaha maanka dooriye, iyadoo xirtay rag badan oo ka ganacsanayey iibinta waxyaabahan maanka dooriye.

Arrimahaasi oo dhan ma xakameyn isticmaalka dhallinyarada ee Maan-doooriyaha, waxaana maanta lagu iibiyaa qaab suuq madow ah, iyadoo xaafadaha loogu geeyo kuwa soo dalbada.

Isitcmaalka maandooriyaha ayaa iminka ah khatarta ugu badan ee ay wajahayaan dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho, kuwaas oo wehel u noqday xaalad caafimaad darro oo ay arrintan sababtay.

Exit mobile version