Friday, September 12

Waxaa Maalintii labaad magaalada Muqdisho ka soconaya shirweynaha qaran ee dhallinyarada, kaas oo uu shalay daah furay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Shirweynaha dhallinyarada ayaa waxaa ka qeyb galaya, masuuliyiin ka tirsan gollayashaasha dowlada iyo ururada dhallinyarada.

Shirweynaha qaran ee dhallinyarada ayaa si gaar ah diirada loogu saarayaa, sidii ay dhallinyarada Soomaaliyeed uga qeyb qaaadan lahaayeen ka shaqeynta amniga iyo horumarka dalka.

Dhallinyaradii madasha ka hadashay ayaa xustay in ay diyaar u yihiin, in ay door ku yeeshaan dib u soo nooleynta Soomaaliyada cusub, iyagoo bogaadiyey in Dowladda ay ku dhiiratu qabashada shirweynahan

Shirweynaha qarax ee dhallinyarada ayaa ku soo beegmaya xilli lagu guda jira toddobaadka dhallinyarada, waxaana xusid mudan in Soomaaliya dadka ku nool 70% ay yihiin dhallinyaro da’doodu u dhaxeyso 15 ilaa 40 jir.

Exit mobile version