Friday, September 12

Maanta Guud ahaan deegaanada uu ka arrimiyo maamulka Somaliland, waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada maamulkaasi, oo ah mid si weyn indhaha loogu hayo.

Doorashadan waxaa ku baratamaya seddex xisbi siyaasadeed, kuwaas oo kala ah Kulmiye UCID iyo Wadani, waxaana doorashadan ay tahay tii afaraad ee nooceeda ah, oo ka qabsoonto deegaanada Somaliland.

Waxyaabaha ku cusb dooashadan

Waxyaabaha doorashadan ku cusub ayaa ah, in sanadkan ay kordheen tirada codbixiyayaasha, waxaana guddiga doorashadu uu sheegay in ay kor u dhaafeen Hal milyan.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Somaliland Muuse Xasan Yuusuf ayaa yiri “odbixiyayaasha kama dambeysta ahi ee xaqa u leh inay codeeyaan waxaa weeye 1,227,48 qof, goobaha laga codeynayana waa 24,650 goobood”

Doorashadan ayaa ah mid isku sidkan, waxana codeeyuhu uu yeelanayaa laba cod oo uu mid madaxwayne iyo madaxwayne ku xigeen ku dooranayo, midna ku dooranayo ururka uu ugu codaynayo inuu ka mid noqonayo sadexda xisbi ee jiri doona tobanka sano ee soo socda.

Caddaadiska Somaliland ay wajaheyso

Si kastaba Somaliland ayaa amaan badan ku hanatay doorashooyinka dimuqoraadiga ah ee ay qabsato, taas oo qeyb ka ah waxyaabaha ay koonfurta Soomaaliya kaga horeysay, waxaase xusid mudan in maamulkan uu ictiraaf raadinayey wax ka badan 30 sano.

Waqtigan Somaliland waxey ku jirtaa marxalad adag oo siyaasadeed, waxaana ay lumisay Sool, kadib dagaal qaraar oo halkaasi ka dhacay, kaas oo keenay in Sool uu yeesho maamul la magac baxay Khaatumo State.

Somaliland ayaa sidoo kale wajaheysa culeys siyaasadeed oo kaga imaanaya dowladda dhexe ee Soomaaliya, taas oo ka carootay heshiiskii ay Hargeysa la gaartay Addis ee ku aadana in Itoobiya la siiyo qeyb ka mid ah biyaha Soomaaliya.

Dhan kastaba waxaa isha lagu hayaa doorashada Somaliland, iyadoo si weyn loo adkeeyey amniga, waxaana jira diyaar garow ay muujinayaan codbixiyayaasha.

Exit mobile version