Saturday, September 13

Shariif Sheekh Axmed Madaxweynihii dowladda KMG ahayd ee Soomaaliya, ayaa kulan la qaatay sii hayaha xilka Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya Shane L. Dixon.

Sheekh Shariif ayaa sii hayaha Safiirka Mareykanka kala hadlay arrimo dhowr ah, oo ay ka mid yihiin is faham waaga ka taagan arrimaha Dastuurka qabyo qoraalka ah.

Shariifka ayaa sheegay in kulankooda diirada lagu saaray muhiimada ay leedahay in dhamaan saamileyda si isku mid ah looga tala galiyo arrimaha la xiriira dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka qeyb ka ah siyaasiyiinta dhaliilsan qorshaha lagu qabyo tirayo Dastuurka qabyo qoraalka ah, wuxuuna aaminsan yahay in dowladda aanay ka tala galin dhamaan dhinacyada xuquuqda u leh, wax ka baddelka Dastuurka oo ah arrin masiiri ah.

Exit mobile version