Monday, September 15

(Hortabin Media) – Waxgaradka Gobolka Sool ayaa dowladda Soomaaliya ugu baaqay in ay siiso taageero lixaad leh, isla markaana ay ka jawaabto dhibaatada ay Somaliland ka geysaneyso Laascaanood.

Waxagaradka waxey ka dhawaajiyeen in ay diyaar u yihiin midnimada Soomaaliya, iyagoo dowladda ku eedeeyey in ay diiday in ay aqoonsato maamulka Khaatumo oo ay ku dhawaaqeen.

Waxey Carabka ku dhufteen inuu sii badanayo khasaaraha ay geysanayaan madaafiicda ay Somaliland ku soo tuureyso Laascaanood, waxaana shalay oo ugu danbeysay ku geeriyooday Abwaan caan ka ahaa gayiga Soomaalida oo lagu magacaabo Jaamac Kadiye.

Waxgaradka ayaa ugu danbeyntii baaq u diray Beesha Caalamka, iyagoo ka dalbaday in ay soo fara geliso, waxa ay ugu yeereen xasuuqa ay Somaliland ka wado Laascaanood.

Exit mobile version