Thursday, September 11

Wasiirkii Cadaaladda ee DG Koonfur Galbeed Soomaliya Sheekh Xasan Ibrahim Lugbuur iyo wiil uu dhalay ayaa maanta lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Baydhaba.

Wasiirka ayaa qaraxa lagula eegtay banaanka hore ee masjidka salaadda Jimcaha kadib. Waxaa illaa iyo hadda la xaqiijiyay in dad gaaraya 11 qof oo uu ku jiro wiil kale oo uu dhalay wasiirka inay ku dhaawacmeen weerarkan is miidaaminta ah.

Inkastoo aanay weli cidina sheegan mas’uuliyadda qaraxa ayaa dhanka kale madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen waxaa uu sheegay in qaraxa ay ka dambeeyeen kooxda Al-Shabaab.

Weerar ismiidaamin ahaa oo 27-kii bishan sidoo kale lagu dilay in ka badan 10 qof oo uu ku jiray guddoomiyihii degmada Marka ee gobolka Shabeellada Hoose Cabdullaahi Cali Waafow.

Maxamed Xuseen, Hortabin Media

Exit mobile version