Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Da’uud aweys jaamac oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada muqdisho ayaa ka warbixiyey howlgalo milatari oo sacadihii ugu danbeeyey ay ciidamada dowladdu ka fuliyeen deegaano ka tirsan maamulada Galmudug.
Wasiirka ayaa sheegay in aroortii hore ee saakay ciiidamada dowladda iyo shacabka deegaanku ay howlgalo ka sameyeen magaalooyinka Bacaad weyn, qeycad iyo deegaano kale oo hoostaga camaara, kuwaas oo ay gacanta ku dhigeen ciidamada dowaldda.
wasiirka warfaafinta ayaa sidoo kale ka warbixiyey weerarkii shalay ka dhacay deegaano qod qod, kaas oo uu xusay in Al Shabaab looga dilay ilaa 30 dagaalyahan sidoo kalana gawaari loga gubay.
Wasiirka warfaafinta ayaa ugu danbeyntii bogaadiyey shacabka soomaaliyeed ee taageraya dagaalada lagula jiro al shababa isagoo dhanka kale digniin u diray kuwo uu ku tilmaamay in ay siyaasadeynayaan gulufka ka dhanka ah Al Shabaab.