Sunday, September 14

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqalaaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa maanta kulan miro dhal ah la yeeshay Agaasimaha xafiiska Soomaaliya ee Hay’adda Maraykanka u qaabilsan Horumarinta Caalamiga ah (USAID), Sheri Nouane Duncan-Jones.

Kulanka ayaan waxaa saldhig u ahaa xoojinta wadashaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo Hay’adda USAID xafiiskeeda Soomaaliya.

Sidoo kale, qodobada labada dhinac ka wada hadleen ayaa waxaa ka mid ahaa sidii looga guuri lahaa deeqaha gargaarka xoogana la saaro dhinaca horumarinta iyo xalka waara, in la iska kaashado horumarinta dhaqalaaha ka dib xiliga dayn cafinta iyo in Hay’adda USAID ay isticmaasho nidaamka dalka ee fulinta barnaamijyadda iyo mashaariicda.

Wasiir Beenebeene ayaa uga mahadceliyay Hay’adda USAID taageerada ay siiso Dowladda iyo Shacabka Soomaaliyeed.

Exit mobile version