Sunday, September 14

Shir jaraa’id oo uu maanta magaalada Muqdisho ku qabtay Wasiirka Wasaaradda howlaha guud Ismaciil Cabdiraxmaan, ayuu uga warbixiyey khasaaraha ka dhashay roobabka deyrta ee dhawaan ka da’y meelo ka mid gudaha dalka soomaaliya.

Wasiirka ayaa ugu horeyn tilmaamay in isbaddelka cimilada uu si ba’an u saameeyey Soomaaliya xilli aanay u diyaar garoobin taaso oo keentay dhibaatada iminka taagan.

Ismaaciish Cabdiraxmaan ayaa sidoo kale ka warbixiyey khasaaraha roobabku ay gaarsiiyeen qaar ka mid ah kaabayaasha maamul goboledyada dalka, wuxuuna xusay in magaalooyinka qaar ay xirmeen garoomadooda diyaaradaha

Wasiirka howlaha guud ee xukuumada SOomaaliya ayaa ugu danbeyntii soo hadal qaaday saameynta ay wadooyinka Muqdisho ku yeesheen roobabkii maalmahan ka da’yey magaalada, wuxuuna shacabka Soomaaliyeed ka codsaday in la garab is taago dadka ay waxyeeleen daadadka iyo fataahadaha.

Exit mobile version