Sunday, September 14

Xildhibaano ka socday guddiga ganacsiga ee gollaha shacabka ayaa isla xisaabtan ku aaddan howlaha ay qabato wasaaradda ganacsiga la yeeshay wasiirka wasaaradaas, Jibriil Cabdirashiid Xaaji.

Guddiga ayaa weydiiyey wasiirka su’aallo adag oo ku wajahan hannaanka uu ku xusho shaqaalaha ka shaqeeya wasaaradiisa, iyagoo soo bandhigay cadeymo muujinaya in inta badan shaqaalaha uu qortay ay yihiin kuwo isaga ku heyb.

Wasiirka oo wajigiisu ka muuqatay carro ayaa si kulul ugu jawaabay xildhibaanadii su’aalaha weydiinayey isagoo sheegay inu xaq u leeyahay inuu shaqaaleeyo dadka xigtadiisa ah ee shaqo la’aantu heyso inta uu awoodo.

Arrinta ayaa hadal heyn badan ka dhalisay baraha bulshada, waxaana aragtiyo kala duwan ka dhiibtay dadka Soomaaliyeed ee ku kala sugan gudaha dalka iyo dibadiisa.

Exit mobile version