Wasiirka Ganacsiga ayaa amar culus dul dhigay shirkadaha ka shaqeeya adeega duulimaadyada ee ku bahaysan daladda SATA isagoo amray in ay si degdeg ah u joojiyaan nooc kasta oo macaamiil ah ama lacago ah oo la siiyo kooxda Al-Shabaab.
Wasiirka ayaa amarkan kasoo saaray kadib kulan uu la qaatay mas’uuliyiinta shirkadaha ka shaqeeya adeega duulimaadyada isagoo tilmaamay go’aankan uu yahay go’aan dawladdeed isla-mar-ahaantaana tallaabo adag oo xagga sharciga ah laga qaadi doono ciddii fulin weysa amarkan.
“Ma aqbali doono in dhaqaalaha laga qaado ganacsatada uu noqdo mid lagu xasuuqo isla-mar-ahaantaana lagu gumaado shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri wasiirka oo la hadlayay mas’uuliyiinta shirkadaha duulimaadyada.
Maxamed Xuseen, Muqdisho
