Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Isbeddelka Cimilada ee XFS, Amb. Khadiija Maxamed Al-makhzoumi, ayaa khudbad muhiim ah ka jeedisay Madasha Lethal Humidity Global Council ee magaalada New York.
Wasiirada ayaa Khudbadeeda waxay diiradda ku saartay saameynta ba’an ee isbedelka cimilada uu ku leeyahay Soomaaliya, iyadoo si gaar ah u iftiimisay baahida loo qabo xal u helidda caqabadahaas ayada oo loo marayo tamarta cagaaran iyo Dabeesh(Green Energy & Wind Turbine).
Wasiir Khadiija waxay sidoo kale ku boorisay beesha caalamka in Soomaaliya diyaar u tahay in lagala shaqeeyo horumarinta iyo maalgelinta tamarta nadiifka ah si loo yareeyo saameynta cimilada isbedelka leh.
Soomaaliya ayaa ka mid ah wadamada uu sida daran u saameeyey is-baddelka cimilada, kaas oo barakac badan baday qoysas fara badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo iminka xaalad adag wajahaya.