Wasiirka caddaalada iyo arrimaha garsoorka Soomaaliya, Xasan Macallin, ayaa si qoto dheer uga hadlay masuq maasuqa daashaday hay’adaha garsoorka dalka Soomaaliya.
Wasiirka ayaa xusay in lala xisaabtami doono cid kasta oo lagu helo masuq, isagoo xusay in aan ka eegi doonin darajada uu qofkaasi leeyahay.
Xasan Macallin wuxuu cabrabka ku dhuftay, in masuq maasuqu uu curyaaminayo dowladnimada, isla markaana uu dhaawacayo soo kabashada maaliyadeed ee dalka.
Gollaha Wasiirrada ayaa todobaadkan kulankooda uga hadlay arrimaha masuq maasuqa la xiriira, iyagoo meel mariyey qaraarka adkeynta hufnaanta maaliyada dalka.
Dowladda Soomaaliya ayaa 20-kii bishii April, xabsiga u taxaabtay, qaar ka tirsan shaqaalaha rayidka oo ku jiraan masuuliyiin, kuwaas oo lagu eeddeeyey musuq.
Dadkan masuqa lagu eeddeeyey ayey ciidamada boolisku qabteen, iyagoo ka dhoofi rabo dalka, waxaana weli baxsad ah kuwo kale oo lagu raad joogo.
Hannaanka garsoorka Soomaaliya ayaa in muddo ah, la kulmayey dhaliilo kala duwan, oo ay ugu horeysa tan masuqa, waxaana la ogayn sida ay u dhaqan gali doonto digniinta wasiirka