Saturday, September 13

Wasiirka arrimaha dibbada Dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in aysan suuragal ahayn in Xildhibaan uu bulashada u sheego, war marin habaabin ah oo dilaaaya sumcadda dowladda iyo dalka.

Wasiirka ayaa sheegay in shaqsiyaad qaar, ay ku soo qaataan magac dilka iyo rabashadeynta dowladda Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in ay dowlado kale lacago kaga soo qaataan ama lagu soo siiyo, si ay u hor istaagaan horumarka dowladnimada.

Sidoo kale, wasiir Fiqi ayaa carrab ku adkeeyay in ay haayaan feelal rag masuuliyeen ah oo lacag lagu soo siiyo in ay magac dil ku sameeyaan dowladda Soomaaliya, isaga oo tilmaamay in ay banaanka keeni doonaa haddii ay ka xishoon waayaan waxa ay sameynayaan.

“Waxaan ognahay rag masuuliyiin ah oo dowlado shisheeya lacag uga soo qaatay in ay magac dilaan dalkaan, oo aan haynaa caddeymahooda iyo feelalkooda, haddii ay ka tanasuli waayaan banaanka keeni doonaa”. ayuu yiri, Wasiirka arrimaha dibbada Axmed Macallin Fiqi.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadayo, xilli Dowladda Soomaaliya ay muddooyinkii u dambeeyay wadday in ay banneyso dhul badan ay degganayaan dad shacab ah, iyada oo ay dhulalkaas la wareegtay.

Exit mobile version