Sunday, September 14

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqid, ayaa sheegay in ciidamadii Gorgor lagu baddelay guuto cusub oo la magac baxday Khaalif Binu-waliid.

Qeyb ka mid ah guutadan ayaa shalay sida uu wasiirku sheegay aaday furimaha hore ee dagaalka si ay uga qeyb qaataan dagaalka looga soo horjeedo Al Shabaab.

Wuxuu yiri Wasiir Fiqi, haddii shalay ciidamadeen la dhihi jiray Gorgor iyo Haramcad maanta waxaa baddelay kuwo la yiraahdo Khaalid Binu-waliid oo looga fadhiyo in ay soo afjaraan dagaalka ka dhanka ah Al Shababa.

Arrintan ayaa u muuqaneysa dagaal siyaasadeed oo looga soo horjeedo dowladii waqtigeedu dhamaaday ee uu hoggaaminayey Maxamed Cabdulaahi Farmaajo, taas oo lahayd magac bixinta ciidamadan.

Exit mobile version