Sunday, September 14

30-kii sano ee uu bur burku hareeyey Soomaaliya, wax kasta oo sare u qaadayey milgihii dowladnimo ama ummad ahaan ayaa hoos u dhacay, waxaana ka mid ah ahaa tartamada kala duwan ee ciyaaraha oo aysan Soomaaliya sidii la rabay uga dhex muuqan.

Masuuliyada dhibaatada arrintan ka taagan, ayey Soomaalidu dusha uga tuurayaan Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha, taas oo dadaalkii la rabay aanan galin, soo nooleynta noocyada Sports-ka.

Dhawaan gabar Soomaaliyeed ayaa dalka ku matashay tartanka orordada Jaamacadaha Adduunka, waxaana arrinteeda ay dhalisay hadal heyn fara badan, sababo la xiriira in aanu ka muuqan wax diyaar garow ah.

Gabadhan ayaa gashay kaalinta ugu danbeysa ee oradka, waxaana warar kala duwan ay sheegayaan in qaab musuq ah ay uga qeyb gashay tartankaasi, iyadoo liiska laga saaray oradyahanad kale oo in muddo ah tababar qaadaneysay, isla markaana dooneysay in ay Soomaaliya matasho.

Wasaarada Ciyaaraha ayaa durba sheegtay in aanay waxba ka ogayn, ka qeyb galka gabadhaasi ee tartankii orordada Jaamacadaha Adduunka, xilli xubnaha ugu sareeya wasaarada ay goobjoog ahaayeen markii garoonka Muqdisho laga sagootinayey.

Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Soomaaliya Maxamed Barre Maxamuud ayaa amray in shaqada laga joojiyo Gudoomiyaha Xiriirka Cayaaraha Fudud ee Soomaaliyeed Khadiijo Aadan Daahir, oo sida la sheegay habaryar u ah gabadha ka qeyb gashay tartankaasi oo lagu magacaabo Nasro Abukar Cali.

Wasaarada ayaa sida muuqata iska bari yeelaysa fadeexada xooggan ee ka dhalatay tartankii orodada Ciyaaraha Jaamacadaha Adduunka ee FISU ee ka socda dalka Shiinaha.

Dhanka kale waxaa heer aad u hooseeya taagan horyaalka kubadda cagta Soomaaliya, taas oo keentay in la waayo xidigo qaranka Soomaaliya ku matala garoomada caalamka.

Exit mobile version