Waxaa isi soo taraya wararka kala duwan ee ka soo baxaya hubkii sifada Sharci darada ahayd ku soo galay Soomaaliya ee dhawaan gacanta u galay Shacabka Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.
Hubkan oo ka yimid dhanka Itoobiya, ayaa la rumeysan yahay in ay soo iibsadeen qeyb ka mid ah siyaasiyiinta ku loolameysa jagada ugu sareysa maamulkaasi, oo uu iminka ku fadhiyo Axmed Qoor-Qoor.
Gawaarida uu hubka ku rarnaa ayaa gacanta u galay Shacabka Caabudwaaq xilli ay marayeen Deegaan 20-km u jira Caabudwaaq oo lagu magacaabo Siila-madow.
Hubkan oo ay dowladda ka war heshay ayaa waxaa la wareegay ciidamo Nabad Sugid ah, kuwaas oo dagaal kala kulmay dadka deegaanka Caabudwaaq, waxaana halkaasi ku geeriyooday 10 askari oo nabad sugida ah, halka dhinaca kalana ay ka geeriyoodeen ilaa 9 qof oo ka mid ahaa Shacabka Caabudwaaq.
Xogta Hubka
Gawaarida ayaa ahaa labbo gaari oo buuxa, waxaana dalaal ka ahaa rag caan ka ah gudaha Galmudug, waxaana dadka Caabudwaaq ay xogta hubkan ka heleen dhinaca Jig-jiga, oo qeyb ka mid ah dalaaliinta oo aan lacagta ku qancin ay ku hareen.
Hubkan ayaa isugu jiray” Ak-47 2,400 Xabo ah, RBG 130, Dabajeex 250, Dhashiike 45, Shamashutar 125, Seekaawuu 230 iyo Bistoolado dhan 4,400 iyo tiro rasaas ah oo aan la shaacin.
Hadalada ka soo baxay Dowladda iyo Galmudug
Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in dib gacanta dowladda ay ugu soo celineyso hubkaasi, oo sida ay tilmaantay sifo sharci darro ah ku soo galay dalka.
Dhinaca kale Wasaaradda Amniga Galmudug ayaa tiri “Waxaan caddaaladda hor keeneynaa dadkii ka dambeeyay hubka sharci darrada ahaa ee soo galay Cabudwaaq”.
Qoraalka ka soo baxay Galmudug ayaa lagu farey Xafiiska xeer ilaalinta in uu soo eedeeyo cid kasta oo ku lug laheyd hubka laga keenay Itoobiya ee sida sharci darada ah ku soo galay Dalka.
Dhinaca kale Maamulka degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud ayaa isna si faah-faahsan uga hadlay hubkii lagu bililiqeystay Caabudwaaq.
Agaasimaha amniga iyo siyaasadda maamulka degmada Caabudwaaq Nasteex Cabdi ayaa dowladda ugu baaqay in loo baahan yahay in la raadiyo farsamo aan gacan ka hadal hayn oo hubkaas lagu soo celin karo, ayada oo la adeegsanayo xeelad.
Agaasimaha ayaa dowladda ugu digay in ay adeegsato awood, taas oo uu xusay in ay dhibaato badan horseedi doonto, wuxuuna garab istaag u muujiyey dadka reer Caabudwaaq.
Si Kastaba hubkan gacanta u galay rayidka, ayey ka dhalan kartaa dhibaato aad u badan, waxaana xusid mudan in gobollada dhexe ay ku soo noq noqdaan dagaal beeleedyada, taas oo xaaladda sii cakireysa.
Si Dhab ah looma ogga, xeelada ay dowladda dib gacanteeda ugu soo celineyso hubkan, waxaana baaris dheer u baahan cida hubkan loo waday ee Itoobiya ka soo iibsatay.