Kadib 22 bilood oo ay Israa’iil xasuuq ku heysay Gaza hadda marinka Gaza ayaa u muuqda meel aan lagu noolaan karin, waxaana muuqaaladii ugu danbeeyey ee ka yimid halkaasi ay yihiin kuwo tiiraanyo wata
Waqtigan dadkii dhismayaasha dhaadheer deganaa ayaa hadda ku nool teendhooyin, waana kuwo wajahaya daruufo qalafsan oo xaga nolosha ah.
Toddobaadkan waxaa meelo badan oo dunida ah ka dhacay dibadbaxyo looga soo horjeedo go’doonka ay Israa’iil galisay Gaza, waxana bannaabaxyadu ay ka dhaceen 12 dal oo ku kala yaalla qaaradaha afrika yurub aasiya, Austrilia iyo america.
Dibadbaxyaasha ayaa sheegaya in ay u adkeysan waayeen xaaladda adag ee ay wajahayaan dadka Gaza, waxaana ay tilmaameen in waqtigan la joogo xiligii Israa’iil lagu qasbi lahaa in ay ka hor wareegto dadka gargaarka u baahan, ee u geeriyoonaya cunno la’aanta.
Mid ka mid ah qoraayaasha u dhashay Israa’iil, David Grossman ayaa hortagay warbaahinta , isagoo yiri : “ Muddo dheer ayay igu qaadatay inan ka fogaado adeegsiga erayga xasuuq… maanta waxaan waayay wax mar marsiyo ah, waxaan oranayaa, waxa ay Israa’iil ka wado Qasa , dhab ahaantii waa xasuuq— si xanuun badan oo qalbi jab leh ayaan u qiraya arrinta.
Hay’adaha Qaramada Midoobay ayaa ka digay in Qasa ay ka jirto gaajo dad saameysay oo baahsan, waxayna eedda dusha uga tuureen Israa’iila, oo gacanta ku haysa dhammaan sahayda gasha dhulkaasi. Israa’iil ayaase ku adkeysatay inaysan jirin wax xayiraad ah oo saaran caawimada bini’aadantinimo, iyadoo sheegtay inaysan jirin “gaajo” halkaas ka jirta.
Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC , Karim Khan ayaa la sheegay in ‘har iyo hoy’ ay u diideen Mareykanka iyo Ingiriiska , iyagoo maalin kasta hanjabaad iyo caga-jugleyn aan kala joogsi lahayn la wadaagaya, sabab la xiriirta go’aamada ka dhanka ah Israa’iil iyo inuu xarig u jaray Netanyahu iyo wasiirkiisa difaaca — Mareykanka iyo Ingiriiska waxay ka doonayaan Khan inuu ka laabto go’aankaa oo faraha kala baxo baaritaanka uu ku hayo dambiya ay Israa’iil ka geysanayso marinka Qasa , kaliya Khan ma aha ee xataa qoyskiisa ayaa meel ay cag dhigaan la’ waxana si joogto ah ugu soo dhacaya telefoonno loogu sheegayo inay noloshooda khatar ku jirto, taasoo cariiri galisay Karim Khan iyo qoyskiisa, sida ay werisay Al Jazeera.
Sidoo kale Muuqaalka labo maxbuus oo Israa’iili ah oo laga duubay muuqaallo ay sii daayeen kooxaha hubaysan ee Falastiiniyiinta ee ku sugan Qasa, ayaa dareen naxdin leh ka dhaliyay Israa’iil, waxaanay taasi keentay in dib loo soo celiyo baaqyo ku aaddan heshiis xabbad-joojin ah oo lagu soo afjarayo dagaalka socda, maxaabiistana dib loogu celiyo qoysaskooda, xilli ay hay’adaha Qaramada Midoobay ka digayaan khatarta macluul ee Marinka.
Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa bayaan uu soo saaray fiidnimadii Sabtida ku sheegay inuu la hadlay qoysaska maxaabiista kuwaas oo ka soo muuqday muuqaallada iyagoo u muuqda kuwo xaaladdooda ay aad u liidato ka dib ku dhawaad 22 bilood oo ay afduub ku haysteen Xamaas.
Netanyahu ayaa saacado ka hor barihiisa bulshada ku baahiyay farriin uu ku sheegayo inuu la xiriiray hay’adda Laanqeyrta Cas (ICRC), isagoo ka codsaday inay billaabaan sidii gargaar loo garsiin lahaa maxaabiista Israa’iil ee ay gacanta ku hayaan Xamaas, kaddib markii caro badan ay ka dhalatay muuqaalka ay soo bandhigtay Xamaas , tani waxay gudaha Israa’iil ka dhalisay cadaadis badan oo Netanyahu uu la kulmay.
Taliyaha guud ee Ciidanka Difaaca Israa’iil, Jenaraal Eyal Zamir, ayaa Jimcihii ka digay inuusan joogsan doonin dagaalka Qasa hadii wadaxaajoodyada fashilmaan oo si deg deg ah loogu xaqjiiqin sii daynta lahaystayaasha ay Xamaas qafaalatay.
Dhanka kale Xamaas ayaa mar kale xaqiijisay inaysan oggolaan doonin inay hubka dhigto ilaa la aasaaso dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, taasoo ay uga jawaabayso mid ka mid ah shuruudaha muhiimka ah ee Israa’iil ku xirtay wadaxaajoodka xabbad-joojinta ee Qasa.
Kooxda hubeysan ee Falastiiniyiinta ah ayaa sheegtay inay ka jawaabayso hadallo ay ku sheegtay inuu yiri wakiilka Bariga Dhexe ee Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump, Steve Witkoff, kaasoo sheegay in Xamas ay “muujisay diyaar garowgeeda” ah inay hubka dhigto.
Isras’iil l waxay u aragtaa in hub ka dhigista Xamas ay tahay mid ka mid ah shuruudaha muhiimka u ah heshiis kasta oo lagu soo afjaro colaadda.
Wadaxaajood aan toos ahayn oo u dhexeeya Israa’iill iyo Xamaas si loo gaaro xabbad-joojin iyo sii deynta maxaabiista ayaa hakaday toddobaadkii hore.
Dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay, dowladaha Carabta ayaa ku boorriyay Xamaas inay hubka ka dhigaan oo ay dhiibaan maamulka Gaza, ka dib markii dalal badan oo reer galbeed ah – oo ay ku jiraan Faransiiska iyo Kanada – ay ku dhawaaqeen qorshe ay ku aqoonsanayaan dowlad Falastiin. UK waxa ay sheegtay in ay aqoonsan doonto dowlad Falastiin ah haddii Israa’iil ay buuxin weydo shuruudaha qaarkood marka la gaaro Sebtembar.
Xamaas oo ah koox ay argagixiso u aqoonsan yihiin Maraykanka, UK, iyo Midowga Yurub — waxay bayaan ay soo saartay ku sheegtay inaanay ka tanaasuli karin “xaquuqda iska-caabinta iyo hubkeeda” ilaa la aasaaso “dowlad Falastiini ah oo madax-bannaan, si buuxdana u leh karaamadeeda, oo ay caasimad u tahay Qudus.”
Wargeys israa’ll ka soo baxa, ayaa warbixin uu baahiyay , isagoo xiganaya askarta ku sugan gudaha Qasa , wuxuu sheegay inay ciidanka Isr1l , wajahayaan xaalad aan nolashooda soo marin ayna noqdeen kuwa ka baxay xadkii xasilloonida nolosha oo maskax ahaan u daalay , awoodna u lahayn inay sii wadaan dagaal. Warbixintu waxay sheegtay inay ciidanku ku dhow yihiin inay ka soo cararaan goobaha dagaal ama ay iyagu nafta is dhaafiyaan.
Taliyihii hore ee sirdoonka milatari Israa’iil, Amos Yadlin, ayaa u sheegay warbaahinta hadal ku socday Israa’iiliyiinta, wuxuu yiri ; “ Israa’iil waxay ku dhowdahay inay la kulanto guul darro istaraatiji ah , taa yeysan idinku noqon wax aad la yaabtaan kolka ay dhacdo.” hadalkaas ayaa lagu sifeeyey mid uu quus ka muuqdo.
Tirooyinka ugu dambeeyay ee Qaramada Midoobay ayaa sheegaya in ugu yaraan 1,373 Falastiiniyiin ah lagu dilay iyagoo raadinaya cunto tan iyo dabayaaqadii bisha Maajo.
Inta badan dadkaasi waxaa lagu dilay meelaha sahayda lagu qeybiyo ee ku dhow xadka, gaar ahaan kuwa uu taageerayo mashruuca Gargaarka Qasa ee ay maalgelinayaan Israel iyo Mareykanka, sida ay sheegtay QM.
Israa’iil ayaa ku eedeysay Xamaas inay fowdo ka abuurayso agagaarka goobahaasi, iyadoo sheegtay in ciidamadeeda aysan si ula kac ah u beegsan rayid.
Milatariga Israa’iil ayaa Qasa ka bilaabay olole ay kaga jawaabayaan weerarkii ay Xamaas hogaaminaysay ee lagu qaaday koonfurta Israa’iil 7-dii October 2023, kaas oo ku dhawaad 1,200 oo qof lagu dilay, 251 kalena lagu qafaashay.
In ka badan 60,000 oo qof ayaa tan iyo markaas lagu dilay Qasa, 169 qof oo ay ku jiraan 93 carruur ah ayaa u dhintay nafaqo darro, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee ay Xamaas maamusho.