(Hortabin Media) – Waxaa Weli Booliska Soomaaliya sifo sharci darro ah ugu xiran, Weriya Maxamed Ibraahim Bulbul, kaas oo aan weli wax maxkamad ah la horkeenin.
Weriyaha oo tabiyey xog uu helay oo la xiriirta in la masuq maasuqay lacago loogu tala galay siminaar loo qabtay saaraakiil ka tirsan booliska, ayaa markii la soo qabtay diiday inuu sheego ilo wareedkii uu ka soo xigtay, xogtaasi.
Marka la eego xeerka Saxaafada, sida ay ku doodayaan ururada warbaahinta u qareema, weriye Bulbul ayaa ku saxan inuu qaato go’aankaasi, maaddaama shaacinta ama sheegida kuwa xogta la wadaagay ay saameyneyso iyaga.
Waxaa suura gal ah haddii uu sheego, saraakiishii xogtaasi la soo wadaagtay, in la xiro kadibna shaqada laga joojiyo, taas oo saameyn culus ku yeelaneyso noloshooda iyo tan qoysaskooda.
Go’aanka iyo mowqifka uu qaatay Weriyaha da’da yar, waxey bidhaamineysaa masuuliyada uu iska saaray howshiisa saxaafadeed, isagoo ilaaliyey mid ka mid ah xeerarka tiirarka u ah, howlaha warbaahinta.
Waqtigan weriyaha waxaa loo diiday ehelkiisa in ay arkaan, waxaana la isaga hayaa qol ka mid ah xabsiga saldhiga degmada Xamar Jajab, taas oo ah sifo sharci darro ah oo ka fog ilaalinta xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed.
In qof saxafi ah, uu labbo toddobaad wax ku dhaw, isaga xirnaado saldhig, isla markaana aan sharciga la horkeenin, lana cadeyn eedaha loo heysto, ayaa qeyb ka ah gabood fallada ay wehelka u noqdeen warbaahinta Soomaaliyeed.
Sidoo kale dad ku dhaw weriyaha, ayaa warbaahinta Hortabin Media, u sheegay inuu u xiran yahay shakhsiyaad gaar ah, kuwaas oo awood dowladnimada ku takri falaya, waana arrin ceeb iyo fadeexo ku ah dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh, oo xilligan wado dadaallo kala duwan.
Wal Wal iyo walaac xooggan ayey muujinayaan waalidka, walaalaha iyo asxabaata weriyaha, waxaana warbaahinta ka soo muuqday aabaha dhalay weriyaha oo indhihiisa ay ka qubaneyso ilmo, isagoo sheegay in wiilkiisa sifo sharci darro ah lagu heysto, taas oo ah ihaano lagu galayo magaca dowladnimada.
Weriyayaal badan ayaa la kulmay tacadiga uu wajahayo weriye Bulbul, waxaana ka mid ah Weriye Cabdala Muumin, kaas oo ay dhibaato xooggan u geysteen Nabad Sugida Soomaaliya, waxaana weriyaha oo denbi lagu waayey uu isaga cararay dalka, kadib markii uu baqdin ka muujiyey badqabkiisa qof ahaaneed.
Saxafiyiintii waqtigaasi xariga Cabdalla Muumin ka dhiidhisay waxaa ka mid ahaa Weriye Maxamed Cabdi Bulbul, wuxuuna xariga weriyaha uga hadlay si geesinimo leh, isagoo shaaciyey kuwa arxankka aan lahayn ee jeelka ku haya.
Arrintan ayaa sida la aamisan yahay qeyb weyn ka ah, sababaha uu xabsiga ugu jiro Weriye Bulbul, waxaana masuuliyada xarigiisa kaalin ku leh, sida xogaha aan helayno ay sheegayaan Wasiir ku xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Yuusuf Al Cadaalla, oo weriyaha u daba-jooga dadaalkii uu galiyey kiiskii fashilmay ee ay Cabdalla Muumin ku eedeeyeen.
Dhinac kastaba, Soomaaliya wey fududahay in lagu dhibaateeyo warfidiyeenada oo ah dad aan hubeysneyn, awood difaacdana aan lahyn, waana kuwo inta badan la kulma tacadiyo isugu jira xarig, dil iyo handadaad joogta ah, oo uga imaaneysa hadba qolada talada dalka majaraha u heysa.
Si kasta ha ahaatee, Saxaafada Soomaaliyeed oo dhibaatooyinkaasi wajahayey sanado badan, marna ma aamusin, iyagoo ku caanbaxay in ay si geesinimo leh uga hadlaan, dhibaatooyinka lagu hayo, waana xirfadlayaal heegan u ah in ay wararka gaarsiiyeen bulshadooda waqti walba.
WQ: Ayaanle Qoyste