Thursday, September 11

Zohran Kwame Mamdani, ayaa waqtigan noqday ninka ugu hadal heynta badan gudaha siyaasadda Mareykanka, horudhaca Guusha musharraxa ee isreeb-reebka doorashada xisbiga Dimuqraadiga ee duqa magaalada New York ayaa noqotay mid fajac abuurtay baal cusub-na u rogtay siyaasadda Mareykanka

Haddaba waa kuma Zohran Kwame Mamdani?

Ninkan oo 33jir ah, waxaa uu asal ahaan ka soo jeedaa Hindiya, balse waxa uu ku dhashay dalka Ugandha, waana nin heysta diinta Islaamka, taas oo siyaasiyiinta Mareykanka ku abuureysa feejignaan maaddaama uu u hanqal taagayo magaalada ugu weyn Mareykanka Zohran kwame mamdani, waxa isaga iyo qoyskiisa ay marekanka usoo boqooleen isagoo 7 jir ah, halkaas oo waxbarashadiisa uu ka billaabay.

Zohrani Waxa uu ka qalin jabiyay Nidaamka Dugsiga Dadweynaha ee NYC, wuxuuna ka baxay Dugsiga Sare ee Sayniska ee Bronx, isagoo Shahaadada koowaad ku qaatay Daraasaadka Afrika Kulliyada Bowdoin.

Xaaladdo kala duwan oo jiray Dhowr sano ka dib 2018, isaga iyo qoyskiisa waxay noqdeen muwaadinin Mareykan ah.

Sohran ayaa ah iminka xildhibaanka Gobolka New York, iyo sidoo kale musharax u tartamaya duqa magaaladaasi, kaas oo ballan qaaday inuu sameynayo is-baddelo muuqda, waana qofka waqtigan ugu cad cad, sababo la xiriira horudhaca guusha isreebreebka Dimuqraadiga oo uu kaga itaal roonaan guddoomiyihii hore ee New York Andrew Cuomo.

Mamdani ayaa helay 43% codadka, isagoo ka hor maray guddoomiyihii hore ee gobolka, Andrew Cuomo, oo helay 36%. Inkastoo codadka kama dambaysta ah ee nidaamka “ranked-choice” aan la dhammeystirin, haddana hoggaankiisa ayaa loo arkaa mid hididiilo abuuraya waxanaa Guushiisa kor u qaaday taageerada ballaadhan ee uga timi dadweynaha, gaar ahaan dhalinyarada iyo bulshada dhaqaalaha hoose.

Mar uu dad weynaha la hadlayey mamdani wuxuu yiri “Caawa waxaan dhignay taariikh,” . “Waxaan noqonayaa musharraxa Dimoqraadiga ee duqa New York.”

Waxaa markii ugu horreysay loo doortay Golaha New York sanadkii 2020, isaga oo meesha ka saaray mas’uul dimuqraadi ah oo muddo dheer hayey xilka degmada Queens iyo xaafadaha ku xeeran. isagoo Laba jeer si gacan taag ah ugu guulaystay doorashada.

Zohran waxa uu ku faanayaa inuu yahay ninkii ugu horeeyey ee ka soo jeeda Koonfurta Asia ee ka hawl gala golaha NYS-ta iyo sidoo kale isla qofkii saddexaad ee Muslim ah ee abid xubin ka noqda golahaasi.

Mamdani ayaa u adeegsaday ololihiisa luqado kala duwan, sida Urdu, Spanish iyo English, si uu ula xidhiidho bulshooyinka kala duwan ee magaalada. Wuxuu kaloo si muuqata uga dhigay Muslimnimadiisa qeyb ka mid ah ololaha, isagoo booqday masaajiddo, sida oo kalena dirayey fariimo ku saabsan nolosha adag ee dadka Muslimiinta ah.

Zohrani wuxuu si furan u taageeray xiliyo kala duwan shacabka Falastiin, isagoo eedo kala duwan usoo jeediyey Israa’iil, wuxuuse dhaleeceyn kala kulmay siyaasiyiinta Mareykanka oo ay ku jiraan kuwo kala tirsan xisbiga Dimoqoraadiga.

Ninka dimuqoraadiga ee la tartamaya Cuomo iyo taageerayaashiisa ayaa Mamdani ku tilmaamay qof waayo-aragnimo la’aan ah, oo aan ku habboonayn maamulidda magaalo leh miisaaniyad dhan $115 bilyan ah iyo in ka badan 300,000 oo shaqaale dowladeed. “Tani ma ahan shaqo qofku barto marka la guddoonsiiyo,” ayuu yidhi Cuomo.,,,, Wuxuu sidoo kale Mamdani ku eedeeyay inuu yahay bidix u janjeedha aragtiyo ka badbadin ah.

Mamdani wuxuu xoogga saaray dagaalka uu kula jiro sicir-bararka iyo kirada sareysa. Qorshayaashiisa waxaa ka mid ah: Bixinta adeeg bas oo bilaash ah, Xakameynta kirada iyo la xisaabtanka mulkiilayaasha guryaha, Furista dukaamo raashin oo dowladdu leedahay si qiimo jaban loogu helo cunto,Daryeel ilmaha ah oo bilaash ah laga bilaabo 6 toddobaad ilaa 5 sano,iyo sidoo kale Saddex-laabidda dhismaha guryo la awoodi karo oo ay dhisaan ururrada shaqaalaha.

Wuxuu sameeyay tallaabooyin muuqda oo fariin gudbinaya: wuxuu u dabaashay badda si uu u muujiyo baahida in kirada la yareeyo, wuxuuna afur iyo cunto qaybin ku qabtay tareen si uu u muujiyo gaajada ka jirta magaalada. Wuxuu sidoo kale lugeeyay degmada Manhattan oo dhan maalmo ka hor doorashada, isagoo isla sawirayey dadweynaha.

Mamdani ayaa horay u ballan qaaday inuu la dagaallami doono Socdaalka iyo Dhaqangelinta Canshuuraha ee Mareykanka (ICE) isla arkaana uun ka shaqeyn doono sidii uu u carqaladeyn lahaa howlahooda magaalada. Mamdani ayaa sidoo kale ballan qaad sameeyay Diseembar 2024 isagoo qoraalku sheegay inuu xidhi doono ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu haddii uu soo booqdo magaalada New York.

Mamdani ayaa yiri Duqa magaalo ahaan, magaalada New York waxa ay xidhi doontaa Benjamin Netanyahu. wuxuuna sii raacsaday “Tani waa magaalo qiyamkayadu ay waafaqsan yihiin sharciga caalamiga ah”.

Wuxuu kal hore soo jeediyay in laga joojiyo canshuur dhaafka hay’adaha taageera deegaannada sharci-darrada ah ee Israa’iil.

Mar wax laga waydiiyay hadalka Mamdani, Trump waxa uu yidhi, “Hagaag, waa nin xagjir ah oo waalan oo waa caqabad hor leh.”

Sidoo kale Trump oo ka hadlayey guusha horudhaca ee Mamdani iyo saadaalinta la xiriira noqoshada ninkan maayarka Newyork, ayaa eedeeyey xisbiga dimoqoraadiga, isagoo yiri Dimuqraadiyiintu way ka gudbeen xadka,, tani waa waqti ku weyn Taariikhda Dalkeenna,, feejignaana u baahan.

Wuxuuna sheegay inay tahay wax aan la qiyaasi karin in xisbiga hantiwadaaga dimuqraadiga ahi uu si dhab ah ugu guulaysan karo doorashada Maayarnimada.

Wuxuu geesta kale Donald Trump digniin u diray musharraxa duqa magaalada New York Zohran Mamdani, isagoo usoo jeediyey inuu qaado dhabo haggaagsan.

Mamdani ayaa qaatay go’aan geesinimo leh, wuxuuna ku guuleystay quluubka bulshada Newyork intooda badan,, isagoo u muujiyey dabacsanaan, wuxuuse dadka diidan ku sifeeyey kuwo uu ku weyn yahay islaam naceybka.

Mamdani wuxuu sheegay in uu la kulmay hanjabaado la xidhiidha islaamnimadiisa maalin kasta, iyadoo boolisku sheegeen in baadhitaan lagu wado dambiyada naceybka ah ee socda. Wuxuu sidoo kale ballan qaaday in haddii la doorto uu kordhin doono dhaqaalaha lagula dagaalamayo dambiyada naceybka.

Si kastaba ha ahaatee, dhammaan dhaleeceynta Mamdani, Trump wuxuu diiday inuu taageero musharax kale.

Waqtigan Curtis Sliwa ayaa mar kale xaqiijiyay magacaabista xisbiga Jamhuuriga, laakiin Cuomo iyo duqa magaalada New York Eric Adams ayaa iyagana ku dhawaaqay inay u tartami doonaan musharaxiin madax banaan, taas oo tartanka maayarnimo ee Newyork ka dhigeysa mid adag.,, waxaase la dareensan yahay in guusha Mamdani ay wax weyn soo kordhineyso, hoosna u dhigeyso kiisaska la xiriira islaam naceybka.

Exit mobile version