Sunday, September 14

Sida warbaahinta qaar ay qorayaan Dowladda Masar ayaa qorsheyneyso in waqtigan ay soo iibsato diyaarado cusub oo dagaal, xilli walaac ba’an oo dhanka amniga ah uu ka taagan yahay Geeska Afrika.

Masar ayaa diyaaradahan cusub ee dagaalka ka soo iibsaneysa dowladda Shiinaha, waxaana wararku sheegayaan in in heshiiska ay Masar diyaaradahan kusoo iibsaneyso la saxiixay bishii August ee sanadkan.

Masar ayaa diyaaradaha ay soo iibsaneyso noocooda lagu sheegay J-10C, waxaana sida la tilmaamayo ay baddel u noqonayaa diyaaradihii ay hore u isticmaali jirtay ee F-16 ee Fighting Falcons.

Tallaabadan ayaa muujineysa cabsi hor leh, waxaana Itoobiya qudheeda ay wadaa diyaar garow, taas oo xaaladda gobolka ka dhigi karta mid colaadeed.

Itoobiya ayaa dhawaan sameysay qorshe u muuqday dhoola tus, waxaana xadka Soomaaliya ay keentay gantaallada balaastikada ah ee M-20, waana arrin bidhaamin karta in gobolku aanu ka baaqsan karin xiisado colaadeed.

Exit mobile version